Dacar waa Nuuc dhir ah oo ka kooban 600 nuuc, Aduunkuna uu aad uga faa’iido dhaqaale ahaan.( F.S:1aad).
Hadda waxaa la leeyahay waxaa la helay Nuuc cusub oo loo yaqaan Dacarka Cas, ( F.S: 2aad) waxaa helay Dr. Mary Barkworth oo baratay Cilmiga Botony oo ka tirsan Jaamacada Utah State University USA. waxa ey ka heshay Somalia.( yaab, marka la leeyahy, Qofkii ugu horeeyay ee heshay ,soo Annagu iyaga ka hor ma aqoon, oo waalidiinteenu uma isticmaali jirin Daawo ahaan).
Sikastaba Inta la ogyahay isticmaalikiisa waxaa bilaabay Faraacinadii hore ee Masaarida. Geedkaani waxa uu ka tirsan yahay Bah dhireedka loo yaqaan ” Asphedelaceae”. ( F.S: 3-13).
Reer yurub waxa ey ka qaateen markii hore Qaaradda Africa, iyo meela ka mid ah Carabta, Hadda dhacaankiisa ayaa loo dhoofiyaa yurub, ama waxaa lagu hoos beeraa Beero, Baco waaweyn oo lagu daboolay, kadibna waxaa laga sameeyaa waxyaaba badan oo dib loogu soo dhoofiyo Afrika iyo Somaliya.
waxaa aad loo isticmaalaa Nuuca loo yaqaan Aloe Vera, oo laga sameeyo, Daawo, Cabitaanka ” Aloe Juice”, kareemka jirka, waxyaabaha la isku qurxiyo, Gel Medicine, Saabuun, Shampoo, Daawada hoos u dhigto cudurka Kansarka ee Naasaha ku dhaco, Daawada Sunt ka saarro Jirka, Xanuunka Wadnaha, Acid ka, Daawada Afka lagu dhaqo ” Mouth wash”, Daawada indhaha, Daawada hoos u dhigto Cudurka Sokor macaanka, Daawada Caloosha lagu socodsiiyo iyo kuwa kale. ( F.S: 14- 19).
Geedkaasi waxa uu ku yaal meela badan oo Dalka ah, kamana faa’iideeysano, Gabdha Somaliyeed ayaa bilaabay hadda in ey warshadeeyaan, waana ku mahadsan yihiin, Haddii dhinaca dhaqaalaha aan ka fiirino oo aan si buuxda uga faa’iidi leheeyn kumanaan Qof oo Somaliya ayaa shaqa ka heli lahaa: mid beerto, mid soo ururino, mid warshadeeyo iyo mid ka ganacsado . Haadii la dhoofin lahaa Lacag adag ayaa laga heli lahaa, Dowladuna cashuur ayeey ka heli leheyd.
Gabaygii Abwaan Dhoodaan ee isticmaalka Dhirta Somalida ma dhageeysatay. Annaga qashin qubka, qabuuraha iyo meel kasta ayuu ka baxaa, Dalalna dhaqaalahooda ayuu kor u qaadaa.
(( Maxaa dhir dheexaa oo faa’iido leh Dalkeena ku dayacan tahay)).
waxaan sugeeynaa Nuucan cusub ee Somaliya laga helay faa’iidada uu Aduunka ku soo kordhiyo.
isticmaalikiisa kala tasho dhakhaatiirta.
wixii aan ka khalday ka sax ,wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir