Ciidamada Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta is hortaag ku sameeyay odayaal dhaqameed ka baxay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kuna sii jeeday Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.
Ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ayaa Xiray laami dheer isku xira Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel,waxa ayna joogiyeen Waxgarad, dhalinyaro iyo Ganacsato ku sii jeeday Magaalada Caasimada ah ee Dhuusamareeb.
Wagaradkaan laga horjoogsaday in ay u ambabaxaan Magaaladda Dhuusamareeb ayaa u jeedka socodkooda laga sheegay in ay tahay ka qayb galka Munaasabad qado ah oo laga taageerayo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sheegay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Dadka ku sugan Guriceel ayaa ku soo waramaya in Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya oo gaadiidka Dagaalka ku jareen wadada Laamiga ah ay amarku siiyeen wadayaasha Gaadiid in ay dajiyaan Waxgaradka ku sii jeeda Magaaladda Dhuusamareeb.
Magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxaa kuwada Sugan Madaxweynaha Galmudug oo ay Dowladu aqoonsantahay iyo Sheekh Shaakir oo Xubnaha Ahlusunna u doorteen Madaxweynaha Galmudug,waxa ayna kulamo is diidan ka wadaan Magaaladda Dhuusamareeb.