Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow waxaa ay koofurta magaalada Gaalkacyo ay ku toogteen nin hubeysan sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka.
Ninkaan la toogtay ayaa la sheegay inuu diiday inuu dhiibo hubka uu wato, iyadoona kadib iska horimaad xoogan uu dhexmaray, intaasi kadibna ciidamada waxaa u suura gashay in ay toogtaan.
Ciidanka Danab ayaa la sheegay ninka la dilay in ay ku raadjoogeen Saacaddihii lasoo dhaafay.
Ciidanka Danab ayaa sidoo kale howlgallo ka wadda Magaalada Gaalkacyo oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen howlgallo Amniga dib loogu habeynaayo.