Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay jiraan qaar ka mid ah dalalka Carbeed oo mar walba faragelin ku sameeya Arrimaha doorashooyinka dalka si uu u guuleysto musharaxa ay doonayaan.
Dalalka ugu badan ee lagu tuhmayo inay taageera siiyaan siyaasiga ay isleeyihiin saameyn wyen ayuu ku leeyahay doorashada ayaa waxaa kamid ah dalalka Imaaraadka carabta, sacuudiga iyo Qatar, wallow dowladda Qatar ay haatan tahay saaxiibka Madaxda sare ee dowladda soomaaliya.
Cabduweli Gaas oo ku sugan magaalada Nairobi lana hadlay Tv-ga Somali Cable ayaa sheegay inay tahay wax lag xumaado in arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ay faragelin ku sameeyaan wadamo shisheeye, isla markaana go’aaminteeda ay qyeb ka qaataan.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo hadal qaaday qaar kamid ah qodobada hehsiiska doorashooyinka gaar ahaan ergada la kordhiyay, waxaana uu sheegay in doorashooyinkii 2016-kii in Ergada laga dhigo 51 uu qeyb ku lahaa si looga hortago musuq maasuq,balse uu dhacay, hayeeshee uu rajeynayo in ergada oo hadda laga dhigay 101 laga gudbi doono musuq maasuq.