waxaan xasuustaa olole Dadka looga talaalayay Cuduro uu ka mid ahaa Polio Sannadkii1983.
Islaan waayeel ah ,Abooto Faay ayaa diiday oo tiri: Talaalka Gaaladaan na rabno, ixsaan ma ahan, cudur kale haka qaadina, Tarankana waa yareeyaa.
waxaan dhahnay Duqdaanu wax ma ogo, wax dhakhaatiir iyo Ururo Caalamiya isku raaceen ayeey diidee. (F.S:1aad).
https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0
Posted by Yahya Amir on Friday, April 17, 2020
Dhowr Sanno kadib Culumo Caalamiya iyo Bulshada madow ee Mareykanka ayaa ogaaday in isla Mareykanka gudihiisa, Dadka Mareykanka ah ee madow lagu wax yeeleeyay Talaalkaa, si Tartankooda loo yareeyo, Caruurta dhalatana ey saqiiraan ama ey ku koraan cuduro, Dacwadii Maxkamad ayaa la isla tagay Shirkadihii Daawaduna waxa ey noqdeen dambiilayaal. iyo weliba doodaha maanta ka taagan Daawada iyo Talaalada loogu deeqo Dadka Afrikaanka ah, Daawo Video-ga ( D.V.1aad)
waxaan xasuusanaa warbixintii Calooshii u shaqeeytihii ka dagaalamayay wadamada koofurta Afrika ee qiray in Isbitaalda qaar ey u qeybiyeen Talaal Cudur ah, iyo Dhakhaatiirtii Reer yurub ee 200 Caruur Libiyaan ah ku talaalay Curdurka HIV.
Haddana waxaa la isku heeystaa Doodii 2dii Dhakhtar ee Faransiiska, ee aheeyd in Talaalka Coronaha lagu tijaabiyo Afrika.
Dadka qaar hadalkooda haku diidin,shahaado ma heeystaan. Dadka qaarna warkooda haku Aaminin waa khubaro Shahaado wadato.
Ar Abooto Faay ameey naga saxneed 1983.
Qore:Yahya Amir