Muqdisho:-Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda xil-gaarsiinta Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka cudurka Coronavirus oo shalay la keenay Soomaaliya.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda Fowziya Abiikar ayaa noqotay masuulkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka cusub ee Corona, waxaana tallaabadaas looga golleeyahay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan qaadashada tallaalkan.
Sida ay baahisay warbaahinta caalamku in ka badan 10 wadan oo caalamka ah ayaa laga soo diiday tallaalkaan, balse Soomaaliya ayaa hadda laga hirgelinayaa, taas oo abuurtay shaki iyo cabsi badan.
Hase yeeshee mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed kula talinaya inay iska talaalaan cudurkan, si looga cirib tiro dalka.
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta isna qaatay tallaalka cudurka COVID-19, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, waxuuna madaxweynuhu adkeeyey mas’uuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ka saaran samata-bixinta caafimaad ee bulshada.
“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad,”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.