Dawlada Soomaaliya ayaa Galabta waxay geysay Fagaaraha Daljirka Dahsoon Ee Magaalada Muqdisho Ciidamo Loogu talo galay in ay hor istaagaan Murashaxiinta Banaanbaxa ay Iclaamiyeen Jimcaha halkaasi ku qabtaan.
Askar katirsan Nabad sugida Qaranka gaar ahaan Guutada loo yaqaano Waran ayaa la wareegay Daljirka Dahsoon,lamana sheegin ujeedkooda waxa uu yahay.
Ciidankaasi WARAN ayaa ah kuwo utababaran howlgalada Qorsheysan iyo Xakameynta Xaalad markaasi taagan,si gaar ahna loo baray fulinta toogashada, waxaana ay ku qalabeysan yihiin hubka kala duwan.
Waxaa la sheegay in ciidanka Galabta lagu arkay Daljirka Dahsoon ayaa hoggaamiya Sargaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo maalmo ka hor loo xiray amar diido Taliska NISA ku sameeyey maadaama uu markaasi ka dhego adeegay uhogaansamida Habeenkii jimcaha Howlgalkii la fuliyey.
Ma cada waxa isbadelay,iyadoo Maxamed Xasan uu hadda ciidanka Daljirka Jooga isaga horkacayo,lama oga inta ay sii joogi doonaan Halkaasi.
Dawlada ayaa si shaac baxsan uga hadlin in mar kale Maanta Mucaaradka shaaciyeen in Bar kulankoodii Jimcaha la iskugu yimaado maadaama Jimcihii hore laga fashiliyey Isku soo baxoodii,sida ay ugu suurta geli doontana lama ogo.