Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa khudbad dheer caawa ka jeediyey magaalada Garowe, isagoo si aan qarsoodi ahayn bannaanka usoo dhigay xaalada dalka, shaqsiyadda Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmajo iyo halista Soomaaliya soo wajaday xilligan.
Siciid Deni wuxuu si faahfaahsan uga hadlay qaabka uu u fekerayo Farmaajo ee ah inuu qabto doorasho uu isagu kusoo baxo, dalkana uu xoog ku heysan karo, una sameysay ciidamo iyo dad xoogaga wadaniyiin ah oo taageersan, wuxuuna ka digay inay Soomaaliya halis ugu jirto dagaal sokeeye.
Khudubadda oo socotay muddo ka badan hal saac ayuu Siciid Deni si qayaxan bannaanka usoo dhigay dhacdooyinkii uu u soo joogay ee dhex maray isaga iyo Farmaajo, wuxuuna qaawiyey hadallo labadooda dhex maray oo qarsoonaa.
Qodobadda muhiiimka ah ee Siciid Deni khudabdiisa ku jia waxaa ka mid ahaa:
1- In Farmaajo qorsheystay inuu dalka xoog ku qabsado, kuna sii joogo xukunka, isagoo sheegay inuu heysto: Ciidan, Lacag iyo Wadaniyiin u daacad ah.
2- Inuusan rabin Doorasho sax ah oo dalka ka dhacda, ee mar waliba sameynayey wax aan macquul ahayn si waqtiga loo dhammeeyo, markii ugu danbeysayna uu ku dhegay Magaalada Garbahaarey.
3- In Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dhisay ciidamo isaga u daacad ah (Haramcad iyo Gorgor) oo aan marna dagaal la gelin shabaab ee uu isagu adeegsado, ayna weerarro k fuliyeen Galmudug, Gedo iyo Daljirka Dahsoon.
4- In Dalku halis ugu jiro inuu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo Beesha caalamka aanay wax badan kala socon.
5- In Puntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo, ayna si Alshbaab iyo maamulka Farmaajo waxba ku kala duwaneyn.
Madaxweynaha Puntland wuxuu kashifay in Farmaajo ay dad kasoo jeeda Hawiye ay kala shaqeynayaan sidii uu dalka xoog ugu maamuli lahaa, ayna halistu tahay inuu dalku ka rido dagaal sokeeye.