WASHINGTON:-Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa xoghayaha difaaca dalkaas u magacaabay janaraal Lloyd Austin oo haatan howl gab ah.
Austin, oo 67 sano jir ah, wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah ee hoggaamiya Waaxda gaashandhiga ee Pentagon-ka.
Janaraalka oo hoggaaminayay Taliska Dhexe ee Mareykanka intii uu jiray maamulkii Obama, wuxuu u baahnaandoona ansixinta aqalka congress-ka maadaama wax ka yar 7 sano uu howlgab yahay.
Biden oo ka adkaaday madaxweynaha Jamhuuriga Donald Trump doorashadii 3-dii November la qabtay, ayaa lagu wadaa in la caleema saaro 20-ka Janaayo ee sanadka 2021-ka.
Trump ayaa weli diiddan inuu aqbalo in looga adkaaday doorashada, asaga oo ku andacoonaya, caddeyn la’aan iyo in ay dhacday wax isdaba marin.
Austin ayaa la sheegay in lagu soo xulay in uu yahay nin khibrad dheer leh oo aamin ah.