Maamulka madaxweyne Trump ayaa ka fiirsanaya qorshe boqolaal askari oo Mareykan ah looga saarayo Soomaaliya, loona dejinayo dalalka deriska ah isla markaana loo weecinayo hadafkooda howlgalka tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo in si toos ah loola dagaallamo kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab.
Qiyaastii 700 oo askari oo ku sugnaa Soomaaliya ayaa u dhaqaaqi doona xeryaha Kenya iyo Jabuuti waxayna u safri doonaan Soomaaliya si ay u qabtaan howlgalo gaagaaban oo argagixiso la dirir ah, oo ay ugu horeyso la dagaalanka al-Shabaab, oo ah koox jihaad doon ah oo gacansaar la leh Al Qaacida.