War kasoo baxay Ururada ay ku mideysan yihiin isu tagga Ururada Bulshada Rayidka ayay uga hor yimaadeen Ansixinta Wasiirada sida KMG ah xilalka usii haya ee Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxa ay xusuusineysaa Hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta in ay ilaaliyaan ku dhaqanka Sharciga, wixii magacaabis ahna loo daayo xukuumadda cusub ee la sugayo”.
Isu tagga Ururada Bulshada waxa ay sheegeen in loo baahan yahay ilaalinta Dastuurka Dalka iyo qodobada kale ee xoojinaya, sidaas awgeed aan loo baahneen in la iska indho-tiro ku dhaqankiisa.
Waxa ay muujiyeen in Xukuumadda sida KMG ah u sii shaqeyneyso shaqada ku simeyso Xukuumadda cusub ee ku imaaneysa Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha oo talo bixinta qofka laga dhigayo uu haatan ku mashquulsan yahay Madaxweynaha DFS.
“Golaha Adeegga Garsoorka waxa uu lafdhabar u yahay Garsoorka Dalka, iyada oo waajidbaadyadiisa ay kamid yihiin talo-bixinta shuruucda garsoorka iyo soo jeedinta Magacaabista anshax marinta iyo Badalaadda xubnha garsoorka federaalka dalka. Haddii xubnahaan lagu magacaabo sifo aan sharci ahayn waxa aan suuragal ahayn in uu haqabtiro baahida cadaaladda ee dadka Soomaaliyeed qabaan” ayaa lagu yiri qoraal.
Ururada Bulshada Rayidka ayaa walwal ka muujiyay degdega magacaabista iyo ku shaqo galka Xukuumadda sida KMG ah usii shaqeyneyso oo sharci ahaan lagu xadiday in ay sii ahaadaan ku simayaal dhammaan Wasaaradaha.
Isu-tagga ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo ka kooban dhammaan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir, waxa ay indhaha ku hayaan xaaladda isbadalka ee dalka.