Waxaan wada ogsoonahay,in Puntland ay jirto maamul ahaan 22 sanadood. Maamulkaa oo u jeedkiisu ahaa laba qodob oo kala ahaa sidan hoos ku xusan.
1.Dagaaladii sokeeye kadib 1991 waxaa soomaaliya ka dhacay dawlad la aan,taasoo keentay amaankoo faraha kabaxa iyo fawdo sidaa daraadeed ayaa beelaha soomaaliyeed ee goboladaas dagan ay isu yimaadeen oo ku heshiiyeen in ay samaystaan maamul yaroo dadka kala celiya maadaama aysan dawlad iyo sharci jirin. waxaana intaa raacsan in maamulkaa iyo canshuurta uu qaado noqdaan wax umadeed oo loo siman yahay. waxaa intaa dheer isla qodobkaan koobaad in maamulkani jiro inta laga helaayo dawlad soomaaliyeed.
2.In laga shaqeeyo sidii soomaaliya ay isugu imaan lahayd oo u samaysan lahayd dawlad si loo sooceliyo dawlad nimadii burburtay nidaamkii iyo kala danbayntii.
Sidaa ayay beeluhu ku heshiiyeen,hayeeshee ragii markii ugu horaysay kusoo baxay kursiga ee madaxweyne loo doortay,waxay markiiba badaleen labadaa qodob ee lagu heshiiyay. waxay noqotay Puntland meel u xiran hal jifo oo waxay gaareen heer ay ku kaltamaan oo kusigu iyaga dhaafin,taasoo kayaabisay shacabkii Puntland.
Intaa kuma ekaan waxay masiirkii umada hoos geeyeen cadawga soomaaliyeed tigreegii ehtiopia iyo emaraatka oo ku xiran yuhuuda.waxay caqabad ku noqdeen in soomaaliya aysan guulaysan oo dawlad noqon. waxayna curyaamiyeen dawladihii kumeel gaarka ahaa iyo tii xasan sheekh ee ka baxday ku meel gaarka iyagoo ka ahaa raysalwasaarayaal. waad aragtaan in cumar cabdirashiid uusan maalin soo xaadirin shaqadii qaran ee aqalka sare dawlada maanta jirta waadna ogtihiin in uusan xiligii shariif ka dhigay raysal wasaaraha dalka waxba u qaban balse uu lugooyay oo afka ciida udaray dawladii shariif.
Waad ogtihiin tuuku dhigay xasan sheekh iyo sidii u lugooyay,maxaayeelay hadafkoodaa ahaa in aan dawlad ka hirgalin MOGDISHO. Cabdiwali cali gaas waad ogtihiin siduu ulugooyay soomaaliya xiliguu ahaa raysalwasaaraha isagoo ku shaqeeyay kaartadii cumar cabdirashiid. waxay Puntland ku dhigeen ee qabyaalad iyo nin jeclaysi iyo eex ah oo ay waxwalba u qaateen ayay MOGDISHANA la doonayaan had iyo jeer. waxay aad uga xun yihiin hormarkaa kasocda mogdisho waana muuqataa.
Beelaha daga Puntland waxay ogyihiin waxay jifadani falayaan oo dulmi ah una haystaan in aan la fahmayn kaartadan duqowday ee talyaani uuga tagay 1960 oo ah kaligiin uun noolaada.
Madaxweyne Muxamed bin cabdullaahi farmaajo waxay ku haystaan oo kaliya,maxaad u dhisaysaa MOGDISHO? maxaad soomaaliya uga dhisaysaa dawlad rasmi ah? maxaad mogdisho u nabadaysay? maxaad u siinaysaa xaqooda iyo maqaam in ay aqalka sare ku yeeshaan 13 xubnood? soomaaliya 4.5 ayay ku caano maashay maxaad dadkii aanu haafka ka dhignay uuga dhigaysaa kuwo nala siman? waad ku khaldan tahay farmaajoow in aad samayso 5 beelood oo siman oo mid walbaa helayso 61 xubnood oo golaha shacabka ah!! dadkii ayaad nala simaysaa ayay ku oo yeen xagjirka haystaa Puntland ee dikteeytarka ah 22 sanadood.
Madaxweyne farmaajo waxa uu u dhaartay dalkiisa,waxaana ka go an in uu ucadaalad sameeyo oo simo soomaali si mustaqbalka ay uugu noolaadaan dalkooda sinaan iyo cadaalad taasna waxaa ku raacsan shacabka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan 4 malyan ee soomaaliyeed ee dagan MOGDISHO. farmaajo in lagu mucaarado dadkii buu simay xaqmaha waxay ahayd in loo duceeyo oo la raaco. Laakiin nin cadaw ah ee shisheeye ku xiran oo qabyaalad iyo eex kabuuxdo cadaaladu uma dhadhamayso ilaa la edbiyo taasoo dhacaysa.
Dadka soomaaliyeed waa siman yihiin,nin waliba intaad rabtuu rabaa maanta waa la ibaxay 2020 ayaa la marayaa lama joogo 1960 kii. mana jiri doonto in Puntland ay kasii jirto cadaalad xumadaa jifo kaliya ah iska haysto. waxaa hadana ay kusii hoogeen mudadaas aadka u dheer bal eega Puntland wax danguud ah oo ay ka qabteen majirto,wixii loogu deeqo iyo canshuurta shacabka jeebkay gashadaan,sidaas ayay la doonayaan Mogdisho wayna ka xun yihiin cadawgaasi dhismaha iyo bilicda caasimada soomaaliya iyo hormarka dawlada soomaaliya gaartay.
Hadafkoodu waxaa weeye in soomaaliya kala qoqobnaato,dadku qabiil isu dilo,Puntland ay gacantooda kabixin iyaga uun ay sidaa u haystaan lacagtaa daldashaan oo kaliya.in soomaali isu timaado oo dawlad noqoto marabaan balse yaa kaayeeli ayaa meesha taala waa lagaa horeeyaa waana lagu soo qaban sharcigaana lagu horkeeni dhawaan adoo dulaysan oo dabadhilif ah.
shacabka MOGDISHO iyo guud ahaan umada soomaaliyeed waa in ay maankooda galiyaan sidii dhiig miiraadka cunsuriga ah ee xagjirka ah ee fadhiya Puntland looga xorayn lahaa beelaha ku dulman Puntland ee ay xaqoodii qaateen soomaali way isbaratay waana loo wada jeedaa waxa kasocda Puntland mudadaas dheer. shacabka soomaaliyeed maha in ay indhaha ka daawadaan dulmiga ay wado jifadu waa in meeshooda loogu tagaa. dawlada soomaaliyeed madaxdeeda iyo shacabkeeduba ha guulaystaan.
Xasuusin markay maqlaan Madaxweyne farmaajo maantana xarun cusub MOGDISHO ayuu xariga ka jiray faroole iyo dani iyo cabdiwali gaas wadanaha boodaaya waa naxsan yihiin xaasidnimo iyo cuqdad ku jirta darteed cadawgaas foosha xun.laakiin shacabka dulman ee Puntland waa farxayaan hormarka caasimadooda iyo dadkooda iyo dalkoodu gaaray marka laga reebo halkaa jifo oo kursiga isku badbadasha oo xirtay.
0gaysiis markii hada beeshii nuska ay ka dhigeen hada laga dhigo beel buuxda oo lamid ah beelaha soomaaliyeed ileen madaxweyne daacad ah oo soomaali usiman tahay ayaynu haysanaaye ogaada jifadaan xagjirka ah ee cunsuriga ah wajiyadooda waxaa dabooli doona madaw! maxaayeelay sinaan ma arki karaan soomaaliyeey.
Yusaf Cumar