Kadib Arimo siyaasadeed oo maalmihii dambe taagnaa waxaa hadda sii kordhaya walaaca la qabay ee kala harida maamul ee sanadaha soo jiitameysay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre.
Shakiga ugu weyn waxa uu yimid kadib markii Ra’iisal Wasaare Kheyre uu safar ku tegay Dhawaan Magaalada Doxa Ee Dalka Qatar.
Muddo 10 Cisho ah ayuu ku maqnaa,waxaana la sheegay in Lagu Cadaadinayey Xilka uu ka dego,balse dorraad dib usoo laabashadiisii kama uusan hadlin arimaha la hadal hayey.
Xildhibaan C/risaaq Jinde oo katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inay hadda Villa Soomaaliya rabto qof katirsan Mucaaradka ay Xilka Ra’iisal wasaaraha la rabto.
Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Muddo Labo Sano ah Dawladu rabto inay muddo kororsi sameysato.