Waxaa la soo saaray Liiska 21 dal oo Madaxweyne kuxigeen ka ah Kulanka 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo Madaxweyne u yahay Volkan Bozkir oo u dhashay dalka Turkiga.
Soomaaliya ayaa ka mid ah Lix dal oo Afrikaan ah oo ka mid ah 21-ka Madaxweyne kuxigeenada Kulanweynaha 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Baalle ayaa noqonaya Safiirkii 4aad ee Soomaaliya soo mara ee loo doorta Madaxweyne kuxigeen Kulamada Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Dalalka loo doortay Madaxweyne kuxigeenada ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, Cameron, Afghanistan, Libya, Mali, Togo, Lubnan iyo kuwa kale.
Sanad walba Shirweynaha Golaha Guud ayaa la doorta Madaxweyne iyo Madaxweynayaal kuxigeen, si ay u diyaariyaan shirarka, isla markaana ka mid noqdaan shir-guddoonada.
Halkan hoose ka akhriso liiska Madaxweyne kuxigeenada Golaha Guud
Africa
Cameroon
Eswatini
Libya
Mali
Somalia
Togo
Asia-Pacific States
Afghanistan
Jordan
Lebanon
Palau
Turkmenistan
Eastern European States
Albania
Latin American & Caribbean States
Grenada
Paraguay
Peru
Western European and Other States
Monaco