Dalka Jabuuti waxaa ka socda dibadbaxyo meelaha qaar rabshado ay sameynayaan dadka dhigaya, kuwaas oo ka careysan xarigga Dowladda ay u geysatay Labo Xiddigle Duuliye Fu’aan Yuusuf Cali oo katirsan Ciidanka Cirka.
Dibadbaxyada ayaa bilawday kadib markii muuqaal uu soo duubay duuliyaha xiran uu ku sheegay in uu ku xiran yahay Musqul (Suuli), waana tan keentay in dadku ay isu soo baxaan si ay ugu doodaan.
Xaalku waxa uu sii cakirmay kolkii Xeer ilaaliyaha guud ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu sheegay in Fu’aad uu damacsanaa la baxsiga Diyaarad Militari, si uu ugu gacan geliyo dal ay colaad kala dhaxeyso sida uu hadalka u dhigay.
Xeer ilaaliyaha ayaa ku hanjabay in sharciga la horgeyn doono Fu’aad iyo dadka u sameeyay dibadbaxyada rabshada watay ee ka dhacay Magaalooyin iyo Gobollo uu ku jiro Cali Sabiix, dadka banaanbaxa sameynayay ayaa gubay goobo kala duwan.
Askarta ayaa rasaas u adeegsatay ka eryidda dadkaan, waxaana ay xireen qaar kamid ah dhalinyarada banaanbaxa sameynayay oo aan la ogeyn halka ay ku xiran yihiin, halka muuqaalo toos ah laga duubayay dibadbaxa lagu dhex arkayay dad dhaawacmay.
Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa u baxsaday Itoobiya 27-kii Maarso, kadib markii uu saluugay cadaalad darro uu sheegay in ay ka dhex jirto Ciidamada Militariga ee uu katirsanaa, howsha ciidanka cirka waxa uu ku guda jiraa 10-sano.
Horaantii bishii April, xili uu ku guda jiray gudbinta Codsi is dhiibid ah ayaa lagu xiray Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, dadaalo looga sii deynayo gacanta sirdoonka Itoobiya ayaa fashilmay waxaana ugu dambeyn la xiray Fu’aad.