Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa shir-gudoomiyay kulan degmooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo todobadkii mar la qabto.
Kulanka oo goob joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska , guddoomiyaasha degmooyinka Taliyaasha saldhigyada ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.
Shirka oo dhowr qodob looga hadlay ayaa looga mahadceliyay ciidanka amniga ee qaabilsan gobolka Banaadir sida ay ugu guuleesteen sugida amniga Caasimadda intii lagu guda jiray bishii barakeysneed ee Ramadaan iyo sida ay ula shaqeeyeen maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo kulanka faah faahiyay ayaa sheegay in sidoo kale looga hadlay kulanka qodoba ay kamid yihiin arimaha wacyigalinta Covid-19, Canshuuraha,iyo Nadaafada.