Waxaa calanka isu dhiibaaya The Father of Galmudug Xaaf iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor
Waxaan ka wadani ahaan maanta dareemayaa,farxad aan lasoo koobi karayn kadib markay idhahaygu qabteen haybada iyo sharafka ka muuqda akhyaartaas soomaaliyeed ee xukunka isu wareejinaaya si nabad galyo ah oo walaalnimo ah soomaalinimo buuxda. waxbadan ayaan wax qabiga iyo uxun wadaniyada uxun soomaalinimada ka maqlaayay galmudug,hayeeshee maanta ayaa rag u kacay culus oo suuliyay xumaan oo dhan,mideeyay siyaasadoodii iyo dagaankoodii galmudug.
Dadka Punltnad mawada aha kuwa dad oo dhami karaahsaday, ee kursigii halkaa ka dhigay dhaxal tooyo ay leeyihiin oo isku badashaan,kana dhigay puntland sidii wax ka gaara dawlada soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeed. shacabka halkaa dagan waxay aamin sanyihiin badankoodu soomaalinimo puntland waa dagaan iyo gobol soomaaliyeed oo kaliya. sidaa daraadeed ayaan si qalbi ah uugu faraxsan yihiin beelaha dagaa puntland badankoodu hormarka iyo heshiiska iyo maamulkaa hanaqaaday ee galmudug. Puntland maha in soomaali u qaadato ibliiskaas fadhiya 22 sanadood ee dulmiga ku haya shacabkaa iyo dawlada dhexe ee soomaaliyeedba. hadana hadee waaba ka war haysaan saan isleeyahay oo hade waa ogtihiin in ay ku jiraankoomo siyaaso!!
Galmudug oo hagaagtaa oo dhisantaa maha sida loo qaatay gobol ama dawlad goboleed dhismay,Maxaa yeelay galmudug oo dhisantaa macnaheedu wuxuu yahay dawaldii dhexe oo haday fadhiday istaagtay,haday taagnayd dhaqaaqday,haday dhaqaaqaysay oraday ayay lamid tahay. galmudug dadkeedu waxay ku jireen qalalaaso mudo 30 sanadood ah,intaa calankeenu dhulkuu yiilay,maantana dhulkii waakuwaa ka qaaday ee isu dhiibay waana siday utaageen calankeena.
shaydaan baa qaadee markay iska naareen waa dadka uugu soomaalisan waana dhisayaan dalkeena.Hadalka madaxweyne qoor qoor aad ayuu u taabtay quluubta malaayiin soomaaliyeed kaasoo ah in uu dhisaayo garab istaagaayo dawlada dhexe ee soomaaliyeed waana mida laga rabo qofkastoo wadani ah,waana nidaamka dawliga ah sideedaba. Galmudug oo garab istaagtaa dawlada dhexe ee fadaraalka soomaaliyeed macnaheedu wuxuu yahay bishaaro ah in soomaaliya istaagtay heshayna dawlad xoogleh oo dalkoo dhan hanata. tanaa ah mida soomaali oo dhan anfacaysa ee lama huraanka ah,
Oday XAAAF waanin illaahay siiyay dulqaad,qalbi furaan geesinimo,ilbaxnimo waxaana u qoon saday sibuuxda hogaamiye oday soomaaliyeed oo ah heer qaran. waa u duceeyay nin weeye walee xaaf taariikhdaana qoraysa.wanaagan weeye waxaan doonayno soomaaliyeey. waxaa larabaa lama waayayo mid cadaw ku ah dawladnimada iyo midnimada umada soomaaliyeed mar walba waxaa jiraaya cadaw gudaha ah iyo mid dibada ah oo aan doonayn soomaali oo hesha dawladnimo buuxda,soomaaliya oo hesha niadaam iyo kala danbayn,soomaaliya oo hesha nabad iyo nolol wanaagsan oo xasiloon,markaa waa in aan iska celinaa cadawgaas oo dhisnaa dawladnimadeena taasaa ina wada deeqda.
Oday xaaf madaxweynihii hore ee galmudug,waa u haynaa taariikhdaa fiican ee uu dhagax dhigay,waa tix galinaynaa waana siinaynaa wanaaga uu mudan yahay. Asagu hada waa ka dalacay madaxweyne waa oday qaran waana THE FATHER OF GALMUDUG waa aabihii galmudug. Markaan sidaa lee yahay cadaalada lagama tago galmudug waa jiraan rag hortii hawlkasoo qabtay iyo rag aas aasay intuba mana diidanin balse wuxuu nasiib kiisa biladaa iyo magacaan ku helay waxaa weeye waa ninka kaliya ee ku guulaystay in uu isu keeno oo tanaasulo galmudug oo maanta mid ah. Tanaasulkaa iyo garab istaaga maamulka hada jira iyo cafinta uu iska saamaxay wixii rag soo kala dhexmaray macaa dawlada fadaraalka ah ayaa ah mida uu ku helay sharafka iyo taariikhda. waxaana fiican in ninka raga xataa hadaad col tihiin lasiiyo libintiisa.
Aabaha Galmudug Xaaf mahad sanid waxaad dhistay soomaaliya waana dadkaagii iyo dalkaagii guulayso. mabaadiideenu waa dawladanimo waa soomaalinimo waa hiil iyo hoo lala garab istaago dawlada dhexe ee hada jirta si dalkeenu ugaaro xasilooni iyo hormar. inama deeqo qabiil,inama deeqo gobolo kala googo an oo nin ba meel calan yar kataagtay oo diidan dawalada dhexe ee fadaraalka ah in ay xoog yeelato sida dawladaha kale,waxaa kaliya oo ina deeqaa waa haldawlad oo xoogleh oo dalka oo dhan hanata ka difaacda cadawga dibada iyo kan gudaha oo ah soomaali.
waxaan rajaynayaa in dhaqso loogu hawlgalo furida dakada hobyo iyo dhismo galmudug mana jirayso wax kala socda oo ah dawlada dhexe iyo galmudug maxaayeelay dalku waa hal waana isku mid,wada jir waa in loo dhisaa galmudug iyo meel walba oo dalkeena kamid ah cidii ina diidaa wada jir baynu isaga qaban. shacabka dal iyo dibad soomaaliyeed waan u hanbal yaynayaa,gaar ahaan madaxda iyo shacabka galmudug hanbalyo hanbalyo hanbalyo isqabsada gacmaha oo waad is qabsateenee sidaa kusocda waxay soomaali idinka filaysay waxii uugu sareeyay ayaad gaarteen waana idinku qanacnay raali baanu idinka nahay nabad iyo wanaag iyo isu tanaasul ayaad muujiseen dawladnimaad taageerteen dadkii iyo dalkii soomaaliyeed ayaad u naxdeen ceebtii ayaad iska mayrteen raganimo guulaysta.
Madaxweyne Qoor Qoor waxaan lee yahay,mustaqbalkaaga kan caruurtaada kan dalkaaga iyo dadkaaga soomaaliyeed kan galmudug waxa uu kujiraa mabda aas aan kaa aragnay oo ah dawlada dhexe oo si hagar la aan ah loola shaqeeyo loona garab istaago si aan u noqono qaran jira oo afrika iyo aduunkuba tixgaliyo.waxaana kuu rajaynayaa in aad isu keento soomaali oo dhan waadna kartaa shaki kama qabo.
Mabda aygu waa cidkastoo aamin san kuna shaqaynaysa soomaalinimo iyo dawladnimo waa nasteexay iyo gacalkay cidii intaa diidan waa cadawgay gobol iyo qabiil iyo xigto iska dhaafe haduu yahay dadii iga yarayd.
Yusuf Omar