Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa shalay sheegay in weerar xagga cirka ah oo ay ku qaadeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe lagu dilay mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab inkastoo markii dambe la ogaaday in ninka duqeynta lagu dilay uu ahaa Maxamuud Xaaji Salaad, maamulihii shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee Jilib.
Saraakiisha Maraykanku waxa ay sheegeen in aanay jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay weerarkaasi.
Maxamuud Xaaji ayaa gantaallo lala beegsaday xilli uu ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel u dhow magaalada Jilib.
Dhinaca kale war isla shalay kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in ninka lagu dilay duqeyntaas uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay BBC-da ayaa lagu sheegay in weerar xagga cirka ah oo ka dhacay Jilib ay iska gaashadeen Mareykanka iyo Soomaaliya.
Hase ahaatee mas’uuliyiinta Hormuud dhankooda ma aysan sheegin in ninka u shaqeynayay uu gacansaar la lahaa ama uu ka tirsanaa Al-Shabaab.
Nin ceynkee ah ayuu ahaa Maxamuud Xaaji Salaad?
BBC-da ayaa la hadashay Cabdifatax Barre Maxamuud oo ay ilma adeero ahaayeen ninka lagu dilay Jilib, wuxuuna ka warramay aqoonta uu u lahaa iyo shaqooyinkii uu qaban jiray.
“Wax badan ayaan ka qaannaa Maxamuud. Waa walaalkey iga weyn. Wuxuu ahaa nin hal-door ah, oo Soomaali ah, oo dadka wax badan usoo qabtay. Taariikhdiisa ugu dambeysay haddaan wax ka sheegana, Maxamuud wuxuu ahaa nin u shaqeyn jiray hay’adaha, gaar ahaan MSF. Wuxuu ku dhashay kuna koray magaalada Jilib, halkaasoo aad looga yaqaanno, haddana muddo sannado badan ah wuxuu u shaqeynayay shirkadda Hormuud Telecom Soomaaliya”, ayuu yiri Cabdifataax.
Dhanka kale wuxuu beeniyay wararka sheegaya in Maxamuud Xaaji Salaad uu xubin ka ahaa ururka Al-Shabaab.
“Waxaa loo baahan yahay in qofka muwaadinka Soomaaliga ah aan lagu sheegin wax uusan ahayn, ninkaas sal iyo raad kuma lahayn waxaas, qof u sameysan noocaasna maba ahayn, ururna shaqo kuma uusan lahayn. Wuxuu ahaa nin gacansade ah oo shaqeysta kana tirsan shirkadda Hormuud, shirkaddaasna Al-Shabaab ma aha, xiriirna lama laha”, ayuu yiri.
Howlihiisa kale ayuu sheegay inay ka mid ahaayeen beeraha, wuxuuna yiri: “Sida ay dadkoo dhanba ogyihiin, meesha lagu weeraray waxay ahayd beertiisa, waa nin beeraley ah. Waxaan ka codsanayaa dadka walaalkey waxaas ku sheegay inay Alle ka baqaan”.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ninka duqeyntii shalay ku dhintay uu ahaa xubin sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, inkastoo aan wali lasoo bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya arrintaas.
Maraykanka ayaa kordhiyay weerarrada xagga cirka ah ee ay qaadaan diyaaraddaha uusan duuliyaha saarneyn kuwaas oo bartilmaameedkoodu yahay goobaha ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya.
Bishan Februay gudaheeda oo kaliya wuxuu Mareykanka fuliyay illaa sagaal weerar oo uu dhammaantood sheegay inaanay jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay balse uu baari doono haddii ay jiraan eedeymo la xiriira in dad shacab ah ay wax ku gaareen duqeymihii uu fuliyay.