Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu helay masuq maasuq ku aadan iney dhismo sharci daro ah ka wado gudaha Tuulada Ciyaaradaha ee Stadium Muqdisho.
Dhismaha Garoonka ayaa hadda meel gaba gabo ah maraya,waxaana maalmaha soo socda la fidin doonaa “Cowska macmalka ah”,waxaana sidoo kale la xirayaa saacadda Garoonka oo mudo la sugayay,sida Wasiir Khadiijo sheegtay.
Sida ay iyaduba qirtay Wasiir Khadiijo,waxaana gudaha Garoonka ka socda dhismo sharci daro ah oo guryo loogu dhisanayo,taas oo ay wadaan rag maqaan sare ku dhex leh Dowladda.
Dad xog ogaal ah ayaa sheegay in Wasiir Khadiijo si hoose lacago u qaadatay dadka dhismahaas wada,kuwaas oo qaarkood laga soo xigtay.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shalay booqday gudaha Garoonka,isagoona bogaadiyay howsha hagar la’aanta ah ee ka socota.