Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahana Duqdii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay raali-gelintii Maanta Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyay dhibaatadii dowladdii Kacaanka u geysatay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Taabid Cabdi oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu bogaadiyay in dowladda Soomaaliya ay garowshiyo iyo raaligelin ka bixiso xasuuqii loo geystay shacabkii Gobolada Waqooyi, iyadoo xiligaas la adeegsanayay magacii dowladda.
Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii raaligelinta uu siinayay Gobolada Waqooyi ay aheyd inuu Magaca Soomaaliland ugu yeero, taasi oo uu tilmaamay inay abuuri laheyd uur-fiyoobi.
Hoos ka Akhriso qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi.
Marka hore waxaan boggaadinayaa in Dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday in garowshiyo iyo raaligelin ay ka bixineyso xasuuqii loo geystay walaallaha Somaliland, iyadoo la adeegsanayo magacii Dowladda Soomaaliya.
Si hadalku ugu muuqdo mid runsheeg iyo niyad ka dhihid ah, waxaa Madaxweynaha laga sugayay inuu magaca Somaliland ugu yeero, taas oo abuuri laheyd uur-fiyoobi, sidoo kale ma aheyn in Madaxweynuhu xujo daba dhigo hadalkiisa.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iney si dhab ah, oo daacadnimo iyo laxaw ku jiro ugu istaagto sidii looga dhayi lahaa walaallaha Somaliland dhibkii gaaray, loona furi lahaa wadahadallo miro-dhal ah oo laga dhaxlo natiijo wanaagsan oo taariikhi ah.