Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay faragelinta dowladda Kenya ay ku heyso arrimaha gudaha ee Somalia isaga oo dhinaca kalana soo hadal qaaday ciidamada dowladdu geysay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Madaxweynaha ayaa sheegay Ciidamada la geeyey Gedo in Dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay looguna talagalay ilaalinta Xaduudaheeda,waxaana uu shaca ka qaaday in uusan aqbali doonin faragelin lagu sameeyo Soomaaliya.
wuxuu sidoo kale ka hadlay xiriirka dowladaha deriska la’ah Soomaaliya isaga oo eedo culus u jeediyay dowladda Kenya ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso arrimaha gaar ah ee Soomaaliya,waxaana uu sheegay in ay adeegsanayso mid ka mid ah dowlad gobaleedyada hase’ahaate waxa uu uga digay arintaas.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan raba inaan ka gudubno in dalkeena la fargeliyo,Jubbaland Kenya ma ahan waa inay faragelinta naga deeysaa mana aqbaleyno in dalkeena la farageliyo, ewel Madaxda dalka ayaa la isku adeegsan jirey balse hadda waxaa naloo adeeegsaday Dowlad Goboleedyada qaarkood ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyay amniga dalka iyo weerarada Alshabaab ee qaraxyada u badan waxaase uu sheegay in ay ku guuleysatay dowladdiisu in ay yarayso weeraradii tooska ahaa ee Alshabaab ay ka geysan jireen magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowlada deriska qarkoo ay ka hadleen dhaqamadii ahaa faragelin ay ku heyn jireen Soomaaliya waxaana uu tusaale u soo qaatay Itoobiya oo eedaha ugu badan loo jeedin jiray hase waxa uu cadeyay in ay tahay saaxiibka ugu dhaw ee Soomaaliya farahana ay kala baxday arrimaha gudaha.