Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Sheekh ayaa ka hadlay Iska horimaadkii Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Jubbaland kuwa ka amar qaata C/naasir Seeraar oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa waxaa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ka shaqeysay in C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig ay fowdo ku sameeyaan Safarkii Maanta Kismaayo uu ku tegay Safiirka Mareykanka ee Somalia, isla markaana Xogtaas ay ka war hayeen.
Sidoo kale Eng Cabdi Xuseen ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka amniga Jubbaland ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay in ay ku bur-buriso nabadgelyada Magaalada Kismaayo.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in Iska horimaadkii Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo uusan geysan wax Khasaaro ah, isla markaana haatan xaalada ay tahay mid degan.
Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa waxaa uu tilmaamay in muddo lix bilood ah ay u adkeeysanayeen C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig, kuwaasi oo uu sheegay inay la shaqeeyaan dowladda, hayeeshee wixii hada ka dambeeya aysan u dul-qaadan doonin.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa safar ku tegay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donal Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen, iyagoona kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.