Post View....

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Degmada Aadan-Yabaal Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
8

Ubadka Madaxweynaha Iyo Furunta Dagaalka

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Allaha dhaafee kaligii kuma aha furunta dagaalka ee caruurtiisana waa geeyay, wiilka albaabka ka furaaya Madaxweynaha waa Abdifitah Hassan Sheikh Mohamud oo qeyb ka ah halganka Khawaarij ta dalka looga xoreynaayo. Halista ay dad badan ka dhuumanaayaan maanta ayey qoyskan u bareereen, runta hadii laga hadlana waa dhif Iyo naadir in la arkaa hogaamiye awooda in uu ubadkiisa geeyo furunta Iyo goobaha halista badan. Guul ama geeri ayey ku balameen aabaha Iyo igaarkiisa ayagoo gawaarida dagaalka saaran ee aanan baabuur raaxo lagu wadin.
Kuwi shalay lahaa Madaxweynaha gabadhiisa ayaa dhinac fadhiday maxey dhihi doonaan maanta mar hadii ubadki Madaxweynaha ee furunta dagaalkana ku garab joogaan Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Degmada Aadan-Yabaal Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga sifeynayo nabad-diidka Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Aadan-yabaal, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.
Todobaatan Jir Tuutaha usita badbaadada dalkiisa iyo dadkiisa.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud isagoo awooda in uu muddo xileedka xafiiska ku dhameysto Mukeefka @villa somalia shacab kiisa ku madadaaliyo been Iyo huuhaa ayuu ka doorbiday in uu tuutaha qaato xitaa haduu kali kunoqonaayo naftiisana uhuro badbaadada dalka Iyo Dadka.
Wuxuu target ka koowaad uyahay argagixisada arxanka daran wuxuuna ugu sifeysanyahay odax isha Iyo salka uga taalo kana harsan Iyo hergali la’yihiin, isagoo intaa og ayuu qatar walba uqaatay furuntana hooy uga dhigtay. Wuxuu maanta nooga baahanyahay hiil, garab istaag Iyo duco in uu Allah ku guuleeyo halganka loo aaayi doono mustaqbalka dhaw insha allah.
“Xukunka Xasan Shiikh iyo Xalwaan lagu arkeyn Xaraar”

Tacsi

Caawa waxaa fanka Soomaaliyeed ka baxay tiir ka mid ah kuwii ugu waaweynaa ee uu ku taagnaa fanka – Allaha u naxariisto Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday magaalada London.
Ustaad Axmed waxa uu fanka ku soo biiray horraantii 1950s, waxaana uu ka mid ahaa fanaaniinta aasaaska u ahaa fanka casriga ah ee Soomaaliyeed.
Waxaan nasiib u yeeshay inaan dhawr jeer la kulmay oo aan ka wareystay taariikhdiisa faneed. Wuxuu ahaa qof ka shaqeeya nabadda iyo wanaagga umadda, isagoo u isticmaali jiray inuu ku guubaabiyo bulshada nabadda iyo is jacaylka.
Waxay ii ahayd sharaf in la igu qiimeeyay inaan bixiyo oo aan guddoonsiiyo Abaalmarintii uu ku guuleystay Sanadkii 2017 ee ISA.
Waxaan Alle Subxaanahu wa Tacaalaa uga baryayaa inuu ugu deeqo Janatul Fardowsa, umadda Soomaaliyeed, bahda Fanka, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

About Author