Post View....

Xaflad casho sharaf maqaamkeedu sarreeyo oo ay soo qaban qaabisay safaarada soomaaliya ee dalka ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay Magaalada London.

0
222

Xafladan ayaa qayb ka ah munaasabada dib-ufurida safaarada soomaaliya ee dalka boqortooyada ingiriiska mudo dhowr iyo sodon sano ah albaabada u xirnayd.

Safiirka safaarada soomaaliya ee dalka ingiriiska Mudane Abdulkadir Ahmed Khayr iyo Qunsulka safaara Mudane Dayib Sheikh Ahmed ayaa goob joog ka ahaa munaasabadan casharafta ee loogu dabaal degayay furitaanka Safaarada soomaaliya ee Magaalada London Uk.

Mawro Sabrina Dowre oo gabadha soomaaliyeed caanka ku ah Modelka iyo jilista filimada aya ka mid ahayd mari sharaftii halkaasi lagu lagu casuumay.

Sidoo kale marti sharafta halkaasi lagu casuumay waxa kamid ahaa siyaasiyiin, ganacsato, aqoonhano, masuuliyiin jaalidaha ku dhaqan gobolada kala duwan ee Uk , dhalinyarada Fanaaniin iyo bahda sports iyaguna kama marneen Munaasabadan.

Munaasabadan oo saacada kooban socotay ayay dadku isugu hambalyeenayeen farxada iyo dareenkooda ku adaan dib helida safaarad uu ka dul babanayo calanka soomaaliya taasoo waxbadan ka caawin doonta dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan boqortooyada ingiriiska.

Daawo. Qaar kamida sawirada munaasabadii xalay.

WQ kamal

About Author