Post View....

Mudo 32 sano kadib dowlada faderaalka soomaaliya waxa u suuragashay in ay saafarad ka furato dalka ingiriiska gaar ahaan Magaalada London.

0
170
safarada somaliya ee london 2023
safarada somaliya ee london 2023
Mudo 32 sano kadib dowlada faderaalka soomaaliya waxa u suuragashay in ay saafarad ka furato dalka ingiriiska gaar ahaan Magaalada London.
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay safaarada soomaaliya ayaa ah mid horu-dhac ah oo ay dadka soomaaliyeed ku dhaqan dalkan Uk ugu dabaal degayeen farxada iyo guusha ay gaareen .
Munaasabada waxa kasoo qayb galay safiirka soomaaliya Mudane Amb. Abdukadir Ahmed kheyr iyo Qunsulka soomaaliya ee Uk Mudane Qunsul Dayib Sheekh, imam Sh Bashir Imam Salad Dhoolayre kamida culumada iyo dhaqanka soomaaliyeed odayayaasha iyo waxgaradka kala duwan ayaa goobjoog ka ahaa madashan.
Sidoo kale dadkii lagu casuumay munaasabada waxa kamida dadka ugu caansan caalamka iyo dalkan ingiriiska gabadha lagu magacaabo sabrina Dore, Sir mo Farah oo isagana ah oroyahan caan ka ah dunida,
qaybaha kala duwan ee bulshada , hogaamiyayaasha jaaliyadaha kala duwan ee London iyo gobolada dalka , qaar kamida dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuqda insaanka caruurta , aqoonyahano haweenka iyo dhalinyarada Waa ay kasoo qaybgaleen xaflada maanta.
Bilaha soo socdo waxa la filaya in munaasabad inta ka balaaran lagu qabto taasoo ka soo qaybgali doono Madaxwayne Xasan sheekh mohamud.sida uu sheegay safiirka soomaaliya ee dalka ingiriiska mudane Amnasadoor Abduqadir.
WQ kamal Hassan

About Author