× HomePrivacyAbout UsContact Us
ad
ad
Soomaalida oo dhaqaalaha ugu badan ka rajeynaysa ceelasha shidaalka ee laga helay Dowlad-deegaanka.
WARKA

Soomaalida oo dhaqaalaha ugu badan ka rajeynaysa ceelasha shidaalka ee laga helay Dowlad-deegaanka.

Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysa in ay billowdo qodista ceelal shidaal ah oo laga helay deegaanka Soomaalida, laakiin waxaa jirta cabasho ay dadka Soomaalida ah ka qabaan mashruucan oo ah mid aad u baaxad weyn.

Shirkad Shiineys ah, oo in muddo ah qiimeyn ku sameyneysay ceelasha shidaalka iyo sida loo wajihi karo howsha qodiska, ayaa dhawaan dowladda federaalka Itoobiya u xaqiijisay in la qaadi karo tallaabada ka faa’iideysiga.

Muddo dheer ayay Itoobiya ku howlaneyd inay xog dhammaystiran ka hesho kheyraadka dabiiciga ah ee gaarka ku ah gobolka Soomaalida.

Haddaba su’aalaha la isweydiinayo waxaa ka mid ah: Xaggey ceelashan ku kala yaallaan? Muxuu yahay dhibka ay ka cabanayaan dadka deegaanka? Sidee loo qeybsan karaa dhaqaalaha kasoo baxa?

1. Tirada ceelasha iyo deegaannada ay ku yaallaan

Ceelasha shidaalka waxaa tiradooda la sheegay in ay ka badan yihiin 60 ceel oo isugu jira gaas iyo saliid. Caddadka shidaalka waxaa la sheegay inuu gaarayo 7 tirilyan Cubic Feet.

Nin ka mid ah shaqaalaha shirkadda Shiiaha laga leeyahay ee Poly GCL oo gacanta ku haysa ceelasha oo codsaday in aan la magacaabin ayaa BBC Somali u sheegay goobaha shidaalka laga helay ay ku yaallaan shan degmo oo kala ah Shillaabo, Dhoobaweyn, Higlooley iyo Ceel-Ogaadeen oo gobolka Qorraxey ah iyo degmada Hilaala oo gobolka Shabeelle ah.

Wuxuu yiri “Hilaala waxaa ku yaalla ilaa 19 ceel, Jeexdin waxaa ku yaalla 15 ceel. Dhoohaar (Elelle oo gobolka Shabeelle ah) 13 ceel ayaa ku taalla.”

“Waxaa sidoo kale laga tagay oo aysan toddobada tirilyan ku soo darin meel la yiraahdo Helo-Quraan oo ku taalla gobolka Afdheer, gaar ahaan degmada Dollow Bay. Ceel baa ku yaalla, ceelkaasna aad buu u shidaal badan yahay, gaas baana ka buuxa,” ayuu raaciyay. Wuxuu sheegay in ay ceelkaas qodday shirkad Ingiriis ah.

Shirkadda Poly GCL waxay ceelasha shidaalka ka shaqaynaysay sagaalkii sano ee la soo dhaafay. Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayayna heshiis kula gashay sida uu sheegay mas’uulkaas.

Wuxuu xusay inay jiraan 34 aag oo kale oo shidaalka laga sahmiyay, balse aan weli la qodin, kuwaas oo ku yaalla inta u dhaxeysa gobollada Jarar iyo Doollo.

2. Faa’iidada dadka deegaanka

Anwar Bashiir Maxamuud, oo Aagaasinka Shidaalka ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, ayaa BBC-da u sheegay in la helay lana qoday shidaal ceyriin ah. Dowladda federaalka Itoobiya waxay heshay shahaado caddeyneysa keydka shidaalka ee goobihii la baaray.

Wuxuu agaasimaha sheegay in tallaabada xigta ay tahay in dhuumaha shidaalka qaada oo ilaa Jabuuti tagaya la sameeyo, shidaalka la sifeeyo, lana dhoofiyo.

Sharci qabyo qoraal ah oo ay dowladda federaalka Itoobiya ku qeexday sida loo qeybsanayo dhaqaalaha kasoo xarooda shidaalka ayaa dhowr jeer ooh ore laga dooday, walina lama ansixin.

Anwar Bashiir ayaa rajo fiican ka muujiyay in sharcigaas la meel mariyo horaanta sanadka soo socda.

Haddii la hirgeliyo waxa ay ka dhigan tahay in boqolkiiba konton (50%) ka mid ah faa’iidada guud la siin doono Dowlad-deegaanka Soomaalida, sida uu sheegay Anwar.

Waxa uu intaas ku daray in 10% ka mid ah qeybta Dowlad-deegaanka ay si gaar ah u qaadan doonaan deegaannada ku dhow meelaha ay ceelasha shidaalka ku yaallaan.

Boqlkiiba kontonka kale ayaa loo sii kala qeybin doonaa 25% ay dowladda dhexe qaadaneyso iyo 25% ay qaadan doonaan dowlad-deegaannada kale.

3. Cabashada dadka deegaanka

Bulshada ku dhaqan dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan agagaarka goobaha ceelashada shidaalka laga helay ayaa sheegay in ay dhibaato xoog leh kasoo gaartay howsha la xiriirtay sahminta shidaalka keydka ah.

Waxyaabaha ay ka cabanayeen waxaa ka mid ah in shakhsiyaad la dhibaateeyay iyo in wasakhda ka dhalatay baaritaanka shirkadaha ay waxyeello kasoo gaartay.

Bashiir Macilin Codey, oo ka mid ah odayaasha deegaanka Dhoobo weyn ayaa BBC-da u sheegay in ay dalbadeen magdhow balse ay walaac qabaan.

Waxa uu sharraxay khasaaraha dadka deegaanka soo gaaray: “Dhib iyo dheef marka laga hadlayo, waxa laga arkay ee uu dadku meeshan kala kulmay waa dhib oo kaliya. Waa dad la dilo, duunyo la laayo, dad la qalduubo, dad la mashaakileeyo. Degmooyinka meeshan xuquuqda ku leh ee dhibaatooyinku kasoo gaareen waxaa ka mid ah Doobo weyn, Shilaabo iyo Elalla.”

Bashiir ayaa sheegay in ay jiraan dad ka mid ahaa bulshada deegaanka oo la waayay ama dhaawacyo loo geystay. “Waxyaalaha aan usoo joognay waxaa ka mid ahaa dad aan sidey u joogeen weynay oo aan raq iyo ruux toona la arag iyo dad dhaawacmay oo naafo noqday.”

Dhan kale waxa uu sheegay in xoolo badan ay ku waayeen mashruuca sahminta ceelashada, xanuunno aysan horay u aqoon jirinna ay la kulmeen muddadaas.

“Inta ay joogeen qoladan shiineyska ah ee shidaalka baarayay waxay adeegsanayeen sun, marka ay meelaha ku daadiyaanna xoolo badan ayaa ku dhammaaday. Lo’ ari iyo dameero ayaa ku dhammaaday. Dadka xitaa waxyaabaha aan ku aragnay waxaa ka mid ah cudurro aannaan waligeen arki jirin dad badan ku dhinteen, inkastoo aannaan caddeyn karin inay arrintan ku lug leedhaay,” ayuu yiri.

Wakiillo ka socda Dowlad Deegaanika ayaa meelo ayaa tagay degmada Dhoobo weyn, iyagoo kasoo qoray waxqabadyada ay u baahan yihiin, waxayna u ballan qaadeen in loo keenayo mashaariic lagu hormarinayo adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo dhismaha waddooyinka.

Balse Bashiir ayaa sheegay inay arrintaas walaac ka qabaan.

“Waxaan ka welwelsan nahay in mashaariicda aan sugeyno ay noo imaan waayaan. Waxaa kale oo aan ka welwelsan nahay in dad kale oo aan xuquuq nala lahayn dhinaca laga soo geliyo qeybsiga,” ayuu yiri.

Jawaabta dowladda

Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, Warsan Cawil ayaa BBC-da u sheegtay in ay ka shaqeeyeen sidii ay dadku u heli lahaayeen magdhow iyo inay shaqaalaha goobaha shidaalka qeyb ka noqdaa ama ay helaan xusuuqo kale oo ay sheegtay inay ka maqan yihiin.

Waxay xaqiijisay in shirkadda qodaysa ceelasha ay ka qaadeen lacag 50 milyan oo birr ($947,059) oo loogu talagalay kirada dhulka iyo 163 milyan oo birr oo u dhiganta qiyaas ahaan lacag ka badan saddex milyan oo doollarka Mareykanka ah oo magdhow ah.

“Meelaha shidaalka way iska yara badan yihiin oo ceelal kale ayaa jira. Laakiin, halkan waxaa weeye waa Jeexdin iyo Elelle shirkadda gacanta ku haysa Poly GCL ayaa la yiraahdaa, taas ayaa lacagta looga soo qaaday oo waa [wejiga] koowaad [wejiyo] kalena way u dhiman yihiin,” ayay tiri wasiirka.

Waxay sheegtay in haddii lacagtaas dadka loo qeybiyo aysan waxba u tareyn. Iyadoo intaas ku dartay “…bulshada ayaan la soo tashannay, baahideeda ayaan ka soo qornay. …Marka mashaariic baan ugu fulineynaa horumarineed.”

Waxay qirtay inay jiraan cabashooyin badan oo ka soo baxaya dhibaato caafimaad oo ka taagan aagagga shidaalka laga qodayo, hase yeeshee ay daraaseeyeen iyaga iyo xafiiska caafimaadka, isla makaana aysan meelahaas ku soo arkin wax dhibaato ah.

“…way iska dhici kartaa shaqo markay socoto in wax yaryar ay bannaanka ku dhacaan. Laakiin, markaaba bulshada way soo gudbisaa, waa laga nadiifiyaa. Marka wax dhibaato ah oo annaga aan ognahay ma jirto,” ayay tiri.

Xigasho:BBCSomali

 

About Author

1

Kamal