
Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa Guddiga Doorashada dalkaasi ku raacday Natiijada Doorashadii dalkaasi ka dhacday 9 kii bishii hore ee August.
Go’aanka Maxkamadda ayaa meesha ka saaray dacdwadii u gudbiyay Musharax Raila Odinga ee ku aadaneyd cabashada uu ka qabay Doorashada.
Tani ayaa William Ruto u oggolaaneysa in uu si rasmi ah ula wareeyo Xilka Madaxweynaha Kenya shanta sano ee soo socota.