Post View....

Ciidamada Xooga dalka oo burburiyay Miinooyiin ay kooxda Al-shabaab ku aaseen deegaano hoostaga Gobolka Gal Gaduud.

0
163

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo ka sameeyay inta u dhaxeysa Degmooyinka Guriceel  iyo Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ay ku burburiyeen Miinooyin ay Al shabaab ku aaseen wadada u dhaxeysa Guriceel  iyo Ceelbuur.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa sheegay in ay xoojin doonaan howlgalada dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannada Gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb ka dajisay Ciidan badan oo loo diyaariyay in ay Al-shabaab ka saaraan deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Galgaduud sida Ceelbuur.

About Author