Waxaa si rasm ah xilka boqortooyada loogu caaleemo saaray Boqor Charles III kadib xaflad ka dhacday qasriga St James’s Palace.
![](https://www.dalkatimes.com/wp-content/uploads/2022/09/88c7f56e-32ce-4c86-913a-3f7876d26436.jpg)
Charles ayaa noqonayaa boqorka cusub kadib geeridii ku timid hooyadii boqorad Elizabeth II.
Golaha xilka ku wareejinayay oo ka koobnaa siyaasiyiin sar-sare, garsoorayaal iyo saraakiil ayaa si rasmi ah xilka uga wareejiyay harles III.
Waa markii ugu horreysay oo teleefishinka laga baahiyo munaasabaddan taariikhiga ah.