Post View....

Xulka G/Banaadir oo Ku Guulaystay Koobka Maamul Goboleedyada,markii ay Rikoorayaal ku Garaaceen Galmudug.

0
89

Kulan xiiso iyo xamaasad leh ayaa Finalka Maamul Goboleedyada Somaliya & Gobolka Banaadir ku dhexmaray garoonka ENG. YARIISOW Stadium ee magaalada Muqdisho xulka gobolka banaadir ayaa ku guulaystay koobka maamul goboleedyada.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh waliba ay taageerayaal soo buux dhaafiyeen garoonka ENG. YARIISOW Stadium kulan ay xulalka labada gobol soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Xulka Gobolka Banaadir ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 1-aad gool u dhaliyay xiddiga Nageeye deeq kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Galmudug ayaa bilaabay in ay cadaadis waali ah saaraan xulka Banaadir iyaga oo doonayay in ay ka dhaliyaan goolka bar-baraha.

Kadib dadaal waali ah oo ay sameeyeen wiilasha Galmudug ayaa daqiiqadii 16-aad dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sahal Cabdi faarax kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xulka Galmudug ayaa sii waday dadaalada iyaga oo ka ciyaar fiicnaa xulka Gobolka Banaadir kuwaas oo difaac ku jiray weeraro rogaal celis ahna qaadayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah una qalmeen natiijo fiican.

Xulka Gobolka Banaadir ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dhankooda ugu rogaan.

Dhanka kale xulka Galmudug oo ahaa kuwo mayal adag ayaan is dhiibin iyaga oo sii waday dadaalka ay dhankooda ku doonayeen goolasha.

Daqiiqadii 51-aad ayuu xulka Gobolka Banaadir dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nageeye Deeq kaas oo mar kale hogaanka u dhiibay gobolkiisa.

Labada xul ayaa sii waday dadaalka iyo raadinta goolasha xilli Galmudug si weyn u raadinayeen goolka bar-baraha si ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Xulka Gobolka Banaadir ayaa helay fursad ay ku dheeraysan karaan hogaanka daqiiqadii 75-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay xulkooda laakiin xulka Gobolka Banaadir ayaa iska khasaarisay fursadaas.

Xilli kooxda Gobolka Banaadir isku diyaarinayaan in ay dabaal dagaan ayuu xulka Galmudug ka hor istaagay iyaga oo dhaliyay goolka bar-baraha wakhti dambe.

Daqiiqadii 87-aad ayay kooxda Galmudug dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Muxudin jamaal cumar kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana ay labada kooxood isla aadeen rikoodhayaal si loogu kala boxo koobka.

Waxa si Rasmi ah koobka ugu guulaystay xulka Gobolka Banaadir oo dhaliyay 3 rikoodhe halka xulka Gobolka Galmudug laga qabtay 3-doodii rikoodhe.

About Author