Post View....

XOG: Waa Kuma Agaasimaha Cusub Ee Villa Soomaaliya Loo Magacaabayo?

0
64

Warbaahinta Xogta Wararka ayaa ogaatay in Dawlada Soomaaliya ay Magacaabi rabto Agaasimaha Cusub Ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Tan iyo markii bilo ka hor uu shaqada iska casilay Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) ma jirin Agaasime si rasmi ah Shaqadaasi loogu magacaabay.

Warqaad ayaa ogaatay in Madaxda Dalka ay la rabaan Xilka Madaxtooyada loo magacaabo C/risaaq Caato oo Shalay Talaadadii laga qaaday Xilka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Caato ayaa waxa adeer u ah Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,sidaan oo kale ayuuna mar ka shaqeeyey Villa Soomaaliya.

Inkastoo wax walbo isbedeli karaan oo shakhsiyaad kale la magacaabi karo hadana xogta aan ogaanay ayaa xaqiijineysa in C/risaaq Caato loo magacaabayo Agaasimaha madaxtooyada Qaranka.

Labo jeer ayaa laga qaaday Xilka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha,waxaana ay shaki badan keentay in xilkaasi looga qaaday in jagadaan kale loo dhiibi doono.

 

About Author