Post View....

Diyaarad Askar Maanta Looga Qaaday Muqdisho Oo La Geeyey Garowe

0
71

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe Ee Caasimada Puntland waxaa maanta laga dejiyey Diyaarad Ciidamo Ka qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidankaan ayaa ahaa kuwo Tababar ku qaatay Caasimada Muqdisho markii ay dhameysteena dib loogu celiyey Puntland.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Korneel Sidiiq Cali Doodisho ayaa sheegay in Cutub katirsan Booliska oo ah kuwa taraafikada ilaalada Waddooyinka Ciidankaan yihiin.

Askartaan ayaa la sheegay in ay ka howlgeli doonaan kala xakameynta Waddooyinka iyo Gaadiidka Deegaanada Puntland.

Waxa Afhayeen Doodisho uu sheegay in Casharadii ay qaateen Askartaan laga sugayo inay ugu adeegaan Dadka Reer Puntland oo ay ka howlgeli doonaan.

 

About Author