Post View....

XOG: Rag isku soo xira Walxaha Qarxa oo laga cabsi qabo iney galaan Garoonka KOONIS

0
77

Waxaa xoogeysanaya cabsiga laga qabo in manta qalalaaso iyo fowdo uu hareeyo tartanka kama dambeyska ee koobka maamul goboleedyada dalka, kaas oo maanta ay ku loolamayaan maamul goboleedka Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Dad badan ayaa laga suurta gal ah iney buux dhaafiyaan Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Koonis,islamarkaana dhacdo fowdo sababi karta in ay ka dhalato dhimasho iyo dhaawac sidii hore u dhacday.

Sida wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ay sheegayaan, Dad badan ayaa xilli hore oo maanta sii tegaya Garoonka Kubadda cagta halka ciidanka ay wadaan baaritaan ay ku sugayaan amniga Garoonka iyo dadka imaanaya.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saaray ciyaarta kama dambeysta ah oo dad badan ay ka soo qeyb galayaan.

Wuxuuna taliyaha sheegay in ciidanka amniga mas’uul ka yihiin sugida amniga Garoonka,islamarkaana looga baahan yahay iney laamaha amniga la shaqeeyaan.

Sidoo kale wararka kale ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay iney dadka badan imaanaya garoonka ku soo dhex dhuuntaan dad falal amni daro wada gaar ahaan rag isku soo xiray walxaha qarxa.

Xigasho:Warqaad

About Author