Baarlamaanka ismaamulka Mandera ee dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyey wax ay ugu yeereen “maleyshiyada ajnabiga ah” ee ku sugan degaankooda iyo ciidanka dowlada Soomaaliya ee ku sugan xuduudka labada wadan.
War-saxaafadeed ay soo saareen Baarlamaanku ayay ku cadeeyeen in xaalada amni daro “midii ugu xumeed” ay wajahayaan isla markaana dadka degaanka ay guriyahooda uga qaxayaan suurtagalnimada dagaal ka dhaca xuduudka.
“In ka badan sidii hore, xaaladdu hadda waa mid aad u kacsan. Qoysaska degan guryaha ku dhow xadka ayaa goobo kale u qaxay kuwa kalena guryahoodii ayey ka tageen” Shir guddoonka golaha ayaa sidaas ku sheegay bayaanka.
“Maleeshiyada Janan ee ku sugan xaafadda Mandera waxa ay wadaan is-uruursi waxayna helayaan gawaarida gaashaaman, arrintaasoo oo walwalka kusii xoojiyey dadka degaanka” ayay xuseen.
Ciidamadda Soomaaliya ee xuduudka jooga ayay ku eedeeyeen in ay sameeyeen caga-luglayn ka dhan ah Ciidan Wasiirka amaanka Jubbaland Janan oo xuduudka ku sugan.
“Waxaan ka cabsi qabnaa in uu ciidamadaas ajnabiga ah ka dhex-qarxo dagaal. Shacabka waxa ay codsanayaan in ay wadankooda ugu laabtaan,” ayay xuseen. “Maleyshiyada ajanbiga ah oo ismaamulkeena ku sugan 11 bilood waxa ay ku kacayaan falal dhaqan-xumo ay ku beegsanayaan haweenka”.
Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa horey u beeniyey wararka sheegaya in ciidamadiisa ay ku sugan yihiin gudaha Kenya, wuxuuna tilmaamay in ay joogaan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gobolka Gedo waxa ay geysay ciidamo kuwaas oo Jubaland si awood ah ugala wareegay, talaabadaas oo maamulka Axmed Madoobe ku sifeeyay ” Jabhad sharci daro iyo xiisad abuuraysa” Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.