Post View....

Sida biyaha iyo talaalka ay ninkan uga dhigeen qofka ugu taajirsan qaaradda Aasiya

0
85

Aasiya waxaa ka soo baxay nin cusub oo noqday kan ugu taajirsan dunida, waxaa mahaddaas iska leh shirkadihiisa soo saara tallaalka iyo biyaha caagadaha ku jira.

Hantida Zhong Shanshan ayaa sanadkan korortay oo gaartay $7bn (£5.1bn), taas oo sababtay inuu koobka taajirnimada ka qaado Mukesh Ambani oo Hindiya u dhashay iyo Jack Ma oo Shiinaha u dhashay.

Zhong's net worth has surged $70.9bn this year to $77.8bn.

Waxaa guud ahaan hantidiisa lagu qiyaasaa $77.8bn, taas oo ka dhigeysa nin 11-aad ee ugu taajirsan adduunka, sida laga soo xigtay xogta bilyandheerrada ee Bloomberg.

Mr Zhong oo lagu naaneyso “isku filane” waxay xirfaddiisa ka soo billaabatay weriyenimo, beeraha iyo caafimaadka.

Mr Zhong ayaa shirkadda tallaalka soo saarta ee Beijing Wantai Biological shaaciyay bishii April wuxuuna ku daray liiska saamiyada Shiinaha.

Saddex bilood kaddib wuxuu sidoo kale liiska saamiyada Hong Kong ku daray Nongfu Spring, oo ah shirkad sameysa biyaha caagadaha ku jira.

Wuxuu koobka ka qaaday aasaasaha shirkadda Alibaba Jack Ma oo markii hore ahaa ninka ugu taajirsan Shiinaha iyo Aasiya.

Wixii intaas ka dambeeyay Nongfu Spring waxay noqotay tan dhanka saamiyada ugu sarreysa Hong Kong, iyadoo saamigeeda uu kordhay 155%.

Saamiga Beijing Wantai Biological ayaa sidoo kale kordhay in ka badan 2,000% waxayna ka mid tahay shirkadaha soo saaraya tallaalka Covid-19.

Jack Ma

Kor u kacan cajiibka ah ayaa u horseeday Mr Zhong inuu booska ugu horreeya ka galo Aasiya, waana kor u kacii ugu sarreeyay ee hantida inta taariikhda lagu hayo, sida laga soo xigtay Bloomberg.

Taajiriinta oo taajir sii noqonaya

Qaar badan oo ka tirsan dadka ugu taajirsan adduunka ayaa taajir sii noqday inta uu socdo xanuunka safmarka ah, dadkaas waxaa ka mid ah aasaasaha Amazon, Jeff Bezos.

Dalka Hindiya, Mr Ambani ayay hantidiisu ka kacday $18.3bn iyadoo gaartay $76.9bn, kaddib markii uu maal gashaday teknolojiyadda casriga ah.

Horraantii sanadkan, Facebook ayaa sheegay inuu adduun dhan $5.7bn ku maalgashanayo shirkadda internet-ka telefoonnada Hindiya ee Reliance Jio, oo uu leeyahay Mr Ambani.

Si kastabar, Jack Ma ayay bishii October hantidiisu hoos uga dhacday $61.7bn waxayna gaartay $51.2bn iyadoo shirkaddiisa Alibaba ay wajahayso baaritaan ay ku sameyneyso dowladda Shiinaha.

Alibaba ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira amar diiddo iyadoo shirkadda ay bah wadaagta yihiin ee Ant Group laga saaray suuqa saamiyada bishii November.

Inta badan bilyandheerrada cusub ee Shiinaha waxay ka yimaadeen waaxaha teknolojiyadda. Balse xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa Shiinaha iyo Mareykanka ee la xiriirta Huawei, TikTok iyo WeChat ayaa sidoo kale saameeyay suuqa saamiyada teknolojiyadda ee Shiinaha.

About Author