Soomaalidii caanka ahaa ee sanadkaan udhintay caabuqa Coronavirus 

50

Iyadoo uu sii galbanayo sanadkan 2020-ka oo uu dunida saameyn ba’an ku yeeshay xanuunka coronavirus, waxaa gudaha Soomaaliya iyo meelo kale oo adduunka ka tirsanba ku geeriyooday Soomali badan oo caan ahaa. Waxaan dib u milicsaneynaa Allaha u naxariistee qaar ka mid ah dadkaasi:

April

Nuur Cadde

Nuur Cadde

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), oo Soomaaliya ka soo noqday Ra’isalwasaare muddadii u dhaxeysay Nofember 2007 illaa Febraayo 2009 ayaa 1-dii April ee sanadkan 2020 wuxuu isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Covid19.

Dadkii caanka ahaa ee ka geeriyooday Soomaaliya

Nuur Cadde wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 2-dii Febraayo 1938-kii. Waxaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay shirweynihii dib u heshiisiinta Jabuuti ee sanadkii 2009-kii ee lagu dhisay dowladdii wadaagga aheyd ee uu qaybta ka ahaa isbahaysigii dib u xoreynta ee fadhigiisu ahaa magaalada Casmara ee dalka Eritrea.

Xudeydi

Xudeydi

Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”.