Meelo ka mid ah caalamka ayaa laga soo tabiyay faafitaanka nooc cusub oo ka mid ah fayraska corona, kaas oo sababay cabsi hor leh.
Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee xaqiijiyay kiisaska nooca cusub ee fayraska, kaasoo ah mid u fidaya si ka deg deg badan sida uu faafayay Covid-19.
Noocan fayraska ah – oo markii ugu horreysay lagu arkay waddanka UK – ayaa sidoo kale laga soo sheegay dalalka Kuuriyada Koonfureed, Canada iyo waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Yurub.
Dhinaca qaaradda Afrika, waddanka Koonfur Afrika ayaa looga dhawaaqay bandhow dhaqdhaaqaaqa dadweynaha ah kaddib markii la helay kiisas ka mid ah nooca cusub ee fayraska, kuwaasoo si deg deg badan u fidaya.
Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa dhawaan UK kusoo rogay xayiraad dhinaca safarka ah, iyagoo mamnuucay in diyaaradaha kasoo baxa halkaas ay waddamadooda soo galaan.
Hindiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay ka mid noqotay dalalka joojiyay duullimaadyada UK.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Lix kiis oo nooca cusub ee fayraska ah ayaa ilaa hadda laga xaqiijiyay gudaha Hindiya. Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in lixda ruuxba ay yihiin dad safar uga soo laabtay UK, haddana karantiil la galiyay.
Noocan cusub ma wuxuu leeyahay halis dhimasho oo dheeraad ah?
Ma jirto caddeyn loo hayo in nooca fayraska ee hadda fidayo uu yahay mid ka halis badan kii horay u jiray, inkastoo arrintaas ay u baahan tahay in isha lagu hayo.
Barfasoor Chris Whitty oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca seyniska ee UK ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cabsi laga qabi karo in noocan uu khatar gaar ah leeyahay.
Hase yeeshee waxaaba isbitaallada dhib ugu filan in uu u faafayo si ka dhakhso badan sida fayraska noociisii hore.
Tallaalka la sameeyay wax maka tarayaa nooca cusub ee fayraska?

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA
Waxay aad ugu badan tahay in noocan fayraska ah uu wax ka tarayo tallaalka la helay ee Covid-19, mana jiro shaki laga muujiyay in uu ka badbaadi karo saameynta dawo ee tallaalka.
Dhammaan saddexda tallaal ee ugu waaweyn dawooyinka la hayo waxay leeyihiin unugyo difaaca jirta awood u siinaya inuu iska celiyo fayraska.
Tallaalku wuxuu sidoo kale difaaca jirkeenna u tababarayaa nidaam uu ku weerari karo qeybaha uu fayraska soo galay, sida uu sheegay Barfasoor Ravi Gupta, oo ka tirsan jaamacadda Cambridge.
“Laakiin haddii aan u oggolaanno in awoodda fayraska ay sii badato, lagana hortagi waayo, kaddib wuxuu billaabi doonaa in tallaalka uu iska caabiyo,” ayuu yidhi seynisyahanka.
Iran oo tallaal u gaar ah sameysatay
Dowladda Iiraan ayaa bilowday tijaabada tallaal cusub oo lagu sameeyay gudaha dalkaas, sida ay shaaciyeen warbaahintooda maxalliga ah.
Tayebeh Mokhber, oo ah gabadh uu dhalay sarkaal sare oo lagu magacaabo Mohammad Mokhber, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee tallaalka lagu duro maanta oo Talaado ah.
“Tani waa farriin aan shacabka ugu direyno in aan aaminsan nahay waxa aan dadkeenna ku dureyno, haddii uu dhib ka imaadana aan raalli ku nahay dhammaanyeen,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka ee dalka Iiraan, Saeed Namaki, oo ka hadlayay telefishinka dowladda.

XIGASHADA SAWIRKA,EPA
Mr Mokhber, ayaa dhanka kale sheegay in in dalkiisa uu awood u yeelan doono inuu isbuucyo gudahood kusoo saaro 1.5 milyan oo tallaal oo bil kasta la isticmaali doono.
Ku dhawaad 55,000 oo ruux ayaa Iiraan uga dhimatay fayraska corona tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah, waana tirada dhimasho ee ugu badan guud ahaan dalalka Bariga Dhexe. In ka badan 1.2 milyan oo ruux ayuu waddankaas ku haleeyay xanuunka.
Hoggaamiyeyaasha Iiraan ayaa laga soo xigtay inay sheegeen in cunaqabateynta uu Mareykanka saaray ay ka hor istaageyso inay helaan tallaalka la aqoonsan yahay ee caalamka loo soo saaray, inkastoo cunaqabateynnadu aysan diideynin dawooyinka iyo gargaarka bani’aadannimo.
Xukuumadda Tehran ayaa horay u saxiixday heshiiska Hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, taasoo hadda ay shaqadeedu tahay in ay caalamka gaarsiiso tallaalka Covid-19.
Guud ahaan dunida, cudurka Covid-19 oo soo billowday horaantii sanadkan 2020-ka ayaa inta la xaqiijiyay ku dhacay dad ka badan 81 milyan oo ruux, halka ku dhawaad 1.8 milyan oo qofna ay u geeriyoodeen ilaa hadda.