
Weli si taxadar leh ma u fiirisay Baraha Bulshada, mana ka fikirtay.
Waxaa jiro Dad badan oo ku soo Qorto Baraha Bulshada: Magaca Hebel Qaran Jecel, Hebel Wadani, Hebel Somali, Hebel Qaran Bile, Hebel Qabiil diid, Hebel Dowlad, Hebel Midnimo, Hebel…….Dadkaa Haddii aad profile -kooda sii dhax gasho waxaa jiro wax ey ka mideeysan yihiin sida:
1.Barahooda Bulshada waxaa la furay muddo isku dhaw, waxa ey furan yihiin Bilo ama Sannado yar.
2. Qoraala badan kuma jiraan.
3. Dadka ey Friends la yihiin waa isku mid, waa koox qoraalada dhaxdooda isku firdhiso.
4. Badankoodu kuma dhalan Jamhuuriyadda gudaheeda, waxa ey inta badan qorteen in ey ku dhasheen, Dhulka Somalida ee weli la Gumeeysto.
5. Qoraaladooda waxaa ka muuqdo hab dhaqan ah in ey diidan yihiin, Fikirka Xurta ah, ama in ey Jawaasiis yihiin.
6. Waxaa u saaran Bartooda Bulshu, Calaamad muujinee Qarannimo sida Calanka, iwm.
7. Haddaad Qoraaladooda dhuuxdo, waxaad Dareemee in loogu talagalay in ey Dadka Nacsiiyaan: Kalmadaha Qaran, Wadani, iyaga oo Qofkii Qaranka jecel ku tilmaamayo Qaran Dumis, shisheeye kalkaal, waa sifadii iyaga lagu tilmaami lahaa, waxa ey sidaa u yeelayaan si ey Adiga kuu nacsiiyaan Midnimada iyo Qarannimadda.
8. waa khubaro Beenta fidiso si loo Aamino Muddo kadib marka ey ku celceliyaan.
9.Waa sida Tuugadii Ceel gaabta ee Dadka dhihi jiray: Tuug, Tuug, Marka Tuugii la daba Cararana iyagu wax xadi jiray.

FG: Adiguba sameey Cilmi baaris Madax banaan oo xur ah, Adigaa Arki doontida Xaqiiqda, iyo been badan oo sidii laguugu celcelinayay aad iska Aamintay Adiga oo aan Dareemin.
Waa dhici kartaa. a) in Cilmi baaristaada ey ka soo baxdo in aan Anigu khaldanahay, oo aad i saxdo. b) in aan isku raacno in qoraalkaani saxan yahay, Cilmi baaristaada kadib.Labadaba natiijo tii kuu soo baxdo waan soo dhaweynayaa.
FG: waxaa dhici karta tira yar oo Dadka magacyadaa isticmaalo ah in dhab ahaan ey Naaneys u tahay, in eynan ogeyn sababta Dadka kale qaar ey u isticmaaleen, laakin iyaga ey wanaag ka tahay.
Nala wadaag waxa ka soo baxo Celmi baaristaada Dadka Baraha Bulshada Barnaamijka beenta ku fuliyo ee wajiyada badan.( F.S: 1aas).
Qore: Yahya Amir