Post View....

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

0
53

Muqdisho:-Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maxamed Ibraahim Macallimuu kula dar daarmay in uu si hagar la’aan u guto waajibaadka loo idmaday.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa ah suxufi ruug caddaa ah oo in badan ka soo shaqeeyay Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee gudaha iyo dibadda, isla markaana xoghaye ka ahaa urur u dooda xaquuqda suxufiyiinta.

About Author