
Rwanda waxaa laga dejiyay 130-ruux oo Tahriib u tagay Dalka Liibiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika, waxaana lagu heshiisay in dadkaan la geeyo Magaalada Kigali oo Caasimad u ah dalkaas.
Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo UNHCR ayaa go’aamisay in dadkaan laga dejiyo Kigali si halkaas loogu hayo, maadaama dhibaatooyin kala duwan ay la kulmeen inta ay joogeen gudaha Liibiya.
Ujeedka Tahriibayaasha ay u tageen Waqooyiga Afrika in ay ka gudbaan Badda Mediteeranean-ka si ay u galaan Qaaradda Yurub oo ay u arkaan in ay ku heli karaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda.
Wasaaradda Qaxootiga Rwanda ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay 67-kamid ah Qaxootiga waxa ay jinsiyaddooda tahay: Eretareeya, Muwaadiniinta Suudaan oo tiro ahaan gaaraya 48-ruux, Soomaaliya waa 12-qof, Nigeria 2-ruux, Itoobiya 1-ruux ah, dhammaan dadkaan 75% waa Rag, waxaana ku jira 27-Carruur sida warbixinta lagu sheegay.
Diyaaradda kasoo qaaday dadkaan Dalka Liibiya ayaa habeenkii Talaadada caga dhigatay Magaalada Kigali, waxaana la dejiyay meel gaar ah si ay u maraan karaantiilka looga faajigan yahay faafitaanka Covid-19.
Isu geyn Rwanda waxa ay martigelisay Qaxooti gaaraya 515-ruux oo badi kasoo jeeda Geeska Afrika, kuwaas oo laga keenay dalka Liibiya, kadib markii ay u gacan galeen Kooxaha loo yaqaan Magafayaasha oo lacago badan ka qaata.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in la qaaday 200 oo ruux oo kamid ah dadkaas wali la raadinoyo