Post View....

Mareynkanka oo Go’aan Xasaasi ah ka soo saaray Masiirka Ciidanka DANAB ee Somalia

0
75

Inkasta oo ciidankiisa kala baxo dalka, Mareykanka ayaan si fudud kusoo afjari doonin xiriirka muhiimka ah ee kala dhaxeeya kumaandooska Soomaaliya ee Danab, sidda uu shaaciyey taliska AFRICOM.

Christina Gibson, afhayeenka howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika, ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe ay ku gaarayaan ciidankan sidda gaarka ah u tababaran wallow uusan soo bandhigin tafaasiil ku saabsan qorshahaas.

“Milatariga Mareykanka marnaba masoo gabagabeynayo xiriirka muhiimka ah ee kala dhaxeeya [Danab] balse waxaa jira qorsheyaal tababar oo la diyaariyey kuwaasoo wax ka bedel lagu sameeyay,” ayuu u sheegay  Tan iyo markii ay soo baxdey in Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, waxaa soo baxay walaac ku aadan in askarta Dana boo Washington tababartay ay dayacaad wajihi karaan loona adeegsan karo dano siyaasadeed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Difaaca, Xasan Xuseen Xaaji, ayaan ka jawaabin codsiyo arrimahaan wax looga waydiin lahaa.

Sidda ku xusan warbixinadda, ciidamada Mareykanka ee hayaamaya Soomaaliya ayaa loo wareejinayaa xabsiyo ku aadan wadamada Jabuuti iyo Kenya.

About Author