Post View....

Maamulka G/Bnaadir oo ansaxiixay miisaaniyadda sanadka 2021 ay ku howlgeli doonto Dowladda Hoose.

0
75

Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir kadib markii ay meel mariyeen guud ahaan Masuuliyiinta kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Tirada guud ee Maamulka ee Goobta fadhiyey ayaa waxay aheyd 65 Ergo, Waxaa ansixiyey Miisaaniyadda 62 Ergo, waxaa diidey 0 waxaana la aamustay 3 Ergo.

Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir ee la meel mariyey ayaa noqoneysa $36,857,503.00.

Ansixinta Miisaanidda Gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir.

About Author