Ciidamada Ammaanka Galmudug oo gacanta ku dhigay agabka qaraxyada laga sameeyo.

64

Ciidamada Amniga Galmudug ee ka hawlgalaya magaalada Gaalkacyo iyo agagaarkeeda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan jawaan laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo loo qorshaynayey in laga sameeyo miinooyinka gawaarida lagu dhejiyo.

Magaalada Gaalkacyo waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday hawlgallo baaritaan oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada isla markaana looga hortagayo falalka amni darada.

Dhanka kale Wasaaradda Amnigu waxay bogaadinaysaa hawlgallada ciidamada amnigu ay wadaan, iyadoo looga mahadcelinayo shacabka Gaalkacyo sida wanaagsan ee ay ula shaqaynayaan ciidamada.