Post View....

Kulan looga hadlayay la dagaallaanka musuq maasuqa oo lagu qabtay Muqdisho.

0
76

Muqdisho:-Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay xoojinta dakhliga, si loo dardargaliyo mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlayay xoojintan la dagaallanka musuq maasuqa iyo in bulshada reer Muqdisho si hufan loogu qidmeeyo, waxaana shirkaan goob joog ka ahaa guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimyaasha dakhliga.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa balan qaaday inay dar-galinayaan kor u qaadidda dakhliga iyo la dagaallanka musuq maasuqa.

About Author