Post View....

In ka badan 10 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Cadan.

0
80

Muqdisho:-Ugu yeraan 13 qof ayaa dhimatay daraasiin kalena waa ay dhaawacmeen ka dib weerar arbacadan maanta ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaaladaa Cadan, xilli halkaas ka dagtay diyaarad sidday gollaha cusub ee xukuumadda Yemen oo Sacuudiga taageero.

Jugta qaraxa weyn iyo rasaas ayaa la maqlay markii ay garoonka ka caga dhigatay diyaaradda ka timid caasimadda Sacuudiga ee Riyad, sidaas waxaa sheegay goobjoogiyaal la hadlay Reuters.

Labo sarkaal oo ka tirsan ciidanka amniga ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay tirada khasaaraha ee qaraxa maanta.

Wefdiga maanta ka degtay garoonka magaalo xeebeedka Yemen ee Cadan ayaa waxaa kamid ahaa ra’iisul wasaaraha Yemen Maciin Cadul Malik Saciid, danjiraha Sacuudiga ee Yemeen Saciid al-Jaber iyo saraakiil kale kuwaas oo si nabad geliyo ah loogu gelbiyay madaxtooyada, sida ay sheegtaya warbaahinta Sacuudiga.

Ra’iisul wasaare Maciin oo twitter qoraal soo dhigay ayaa sheegay in dhammaan xubnaha xukuumadda ay bad qabaan isagoo sheegay in falka uu ahaa mid argagaxiso.

Ergeyga QM ee Yemen Martin Griffiths ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in falka uu ahaa mid aan la aqbalo Karin isla markaana waxaa uu xasuusiyay dhinacyada Yemen isku haya ahmiyadda ay leedahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira.

Tan iyo 2015 Yemen waxaa ka jiray dagaal u dhexeeyay isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo oo taageersan xukuumadda Yemen madaxweyne Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Iran baritaarto.

Dagaaladaas waxaa ku dhintay in ka badan 100,000 oo shacab ah iyadoo malaayiin kale guriyahooda ka qaxeen.

About Author