Post View....

Axmed Madoobe “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan hadhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina”

0
88

Muqdisho:-Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha aragti wadaagga Heritage ee Garoowe ka furantay ayaa ka hadlay arrimo ay ka midyihiin marxaladda doorashada, amniga dalka, xiriirka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya iyo dhammaystirka Dastuurka.

Marxaladda doorashada ee xilligan dalku wajahayo ayuu Axmed Madoobe soo jeediyey in madaxda dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalku ay wadatashi iyo isu tanaasul ku wajahaan, ayna ku heshiiyaan waddo cad, ka hor inta aanu waqtigu dhammaan, ayna mar walba ka wada fariistaan wixii khilaaf ah, xitaa haddii ay kalifayso inay kulmaan bishiiba 2-mar.

Waxa uu musharixiinta u soo jeediyey inay ka fiirsadaan hadallada xasradda iyo xasilooni darrada abuuri kara, si looga fogaado amni darri, “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan ha dhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina, ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu xusay inay ahmiyad Qaran leedahay in dawladda soo socota loo sii diyaariyo ajandayaasha shaqo ee leh ahmiyadaha ugu horreeya, si ay mudda xileedkeeda uga shaqayso dhammaystirka Dastuurka, in dalka laga nadiifiyo Argagixisada Al-shabaab iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayuu Axmed Madoobe kaga hadlay si adag, isagoo xusay in wax badan la siyaasadeeyey, isaguna uusan marnaba ka hadal kiiska badda uuna u arko mid u yaal dawladda Federaalka, uusana ka soo horjeedin danta Qaranka, balse uusan qabin in xiriirka loo jaro Kenya marka la eego danaha isaga keen xiran.

Mar uu ka hadlayey amniga Qaranka ayuu madaxweynaha Jubbaland xusay in wax badan aysan ka fulin heshiiskii Baydhabo ee lagu qorsheeyey qaab dhismeedka ciidanka dalka heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, taas oo keenaysa in Soomaaliya ay AMISOM wali ku sii tiirsanaanayso, Al-shabaabna aan dhul badan laga saarin.

Nidaamka qabiilka ee 4.5, fahanka laga haysto nidaamka Federaalka oo wali aan nuuciisa si rasmi ah looga heshiin iyo qabyatirka Dastuurka oo u xaniban is aaminaad la’aan iyo maslaxadda siyaasadeed ee markaa jirta ayuu sheegay inay caqabad ku noqdeen in la hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

About Author