Taliye Xijaar oo u goodiyay taageerayaasha xulalka Gobolka Banaadir & Galmudug.

70

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin amniga la xiriirta u diray taageerayaasha xulalka Galmudug iyo gobolka Banaadir ee maanta ka qaybgalaya daawashada cayaarta kama dambaysta ah ee koobka dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wuxuu dhalinyarada daawashada cayaarta uga imaanaya daafaha iyo degmooyinka Muqdisho faray inay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey sugisda amniga lana shaqeeyaan ciidamada Booliska ee u hawlgalaya in si nabadgalyo ah cayaartu ku dhacdo.

Taliye Xijaar ayaa ka codsaday daawadayaasha garoonka tagaya inay ilaaliyaan xasiloonida, cid walbana looga dambeeyo hawsha ay mas’uulka ka tahay sida xiriirka kubadda cagta iyo laamaha ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sidoo kale sheeay in koobkan oo bilowday 20-kii bishan uu sare u qaaday isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed, uuna muujiyey xirfadda cayaartoy badan oo loo qaadan karo heer Qaran.