Ra’iisal wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali ayaa doonaya inuu xaliyo khilaafka udhaxeeya Jubbaland State iyo Dawlada dhexe Soomaali.
Abiy Ahmed ayaa udiray casuumad labada dhinac iyadoo Jubbaland ay ku gacan seyrtay dalabkaasi.
Maamulka Axmed Madoobe hogaamiyo ayaa shuruud ku xiray in Ciidanka Dawlada laga saaro Gobolka Gedo kadib ay wada hadal ogolaanayaan.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa jiray muddooyinkii dambe waxaana lasoo sheegayaa in laga cabsi qabo dagaal dhexmara Jubbaland iyo Dawlada Dhexe.
Itoobiya ayaa u aragta heshiiskaasi haduu dhaco in dib udoorashada Farmaajo ka shaqeyn laheyd si ay uhelaan Dekada Kismaayo oo Jubbaland maamusho.