MUQDISHO:– Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Hindise-sharciyeedka Dhimsaha Hya’adda Diiwangelinta iyo bixinta Aqoonsiyada.
Kulanka oo ay Shir Guddominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa.
Kulanka ayaa waxaa goobjog ka ahaa 143 Mudane waxa ayna cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay labadaba.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sharciga uu ansax yahay, waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee soo xaadiray kulanka.
Dhanka Kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad Marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka oo horay u maray akhriska 1-aad.