Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi ayaa sheegay inay Muhaajiriin tiradooda dhan tahay 49-qof ay shalay galab soo gaareen Degmadda yar ee Xeebta leh ee Marzamami ee Gobalka Syaruce ee Koonfurta Talyaaniga.
Degmadaasi oo ay ku nool yihiin dad aan ka badnayn Kumanaan waxay kaabiga ku haysa Xeebta Jesiiradda Sicily, waxayna 3.97 KM u jirtaa Pachino.
Shabakadda Wararka Talyaaniga ee newsicilia.it oo aan Warkan ka soo xiganay waxay Muuhaajiriinta la socdeen Dooni nooca Shiraaca leh, iyagoo muddo dhowr saacadood ah ku sugnaa gudaha Doonida, ka hor inta aan loo oggolaanin inay ka soo degaan Dekedda.
Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Talayaaniga ayaa la sheegay inay Muhaajiriintaasi oo ay ka mid ahaayeen 8 haween iyo 4 carruur aan qaangar ahayn u soo gelbiyeen Dekedda Fossa Port, kadib, markii ay Madaxda Deegaanka u fasaxeen inay soo galaan.
Muhaajiriinta waxaa loo fidiyey Gargaar, waaxana loo gudbiyey Xarunta Soo-dhaweynta Muhaajiriinta ee Degmadda Pantanello.
Sida uu Baratoolku yahay, waxaa Muhaajiriinta lagu qaaday Bas, waxayna muddo 14 maalmood la geliyey Karantioil, si loo ogaado inay ka bad-qabaan COVID 19.
Shabakadda Wararka Talyaaniga ee newsicilia.it waxay sheegtay in Muhaajiriinta la qaabilay oo badankooda ka soo jeeda Geeska Afrika, una badan Soomaali ay noqon doonaan kuwa aad u caafimaad qaba.
Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin
Xigasho: newsicilia.it